Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Golaha Wasiiradda Puntland ku kala aragti duwaanaday go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ee shirkadda DP World

Golaha Wasiiradda Puntland ku kala aragti duwaanaday go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya ee shirkadda DP World

Garoowe (Madal Furan) – Waxaa lagu soo waramayaa inuu maanta baaqday kulankii Khamiislaha ahaa ee ay isugu imaan jireen golaha Wasiiradda Puntland, kulankaasoo Wasiiradda Wasaaraddaha Puntland looga dhegeysan jiray waxqabadkooda iyo caqabadaha ka horyimaada shaqada ay gacanta ku hayaan.

Baaqashada Kulankan ayaa dad xogogaal ahi sheegayaan inay sababtay Mooshin uu waday Madaxweynaha Puntland oo uu ugu ololeynayey inay Puntland ka hortimaado go’aankii Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dalka kaga mamnuucay shirkadda DP Waorld ee dalka Imaaraadka Carabta.

Maalinimadii Isniinta ayaa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas wuxuu kulan aan caadi aheyn isugu yeeray Golihiisa Wasiiradda, kulankaasoo uu ku soo bandhigay aragtidiisa ku aadan in maamulka Puntland uu ka horyimaado go’aanka DP World dalka looga mamnuucay ee ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka laga helay kulankaas ayaa sheegaya in Goluhu isku mari waayeen inay u codeeyaan oo aqbalaan tallo soo jeedinta Madaxweynaha, waxaase markii danbe loo saaray Guddi ka kooban Golaha Wasiiradda si ay kulanka Khamiista ugu soo celiyaan go’aan lagu mideysan yahay.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Eng.  Caamey uu hogaaminayo tiro Wasiiro ah oo diidan in mooshinkan la meel mariyo, taasoo sababtay inay kala cararaan Guddigii hawshaas loo xil saaray, sidaasna uu maanta ku baaqday kulankii Golaha Wasiiradda Puntland.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa Madal Furan u sheegay inay Madaxweynaha Puntland la kulmeen Guddoonka Golaha Baarlamaanka isla markaasna ay si cad ugu sheegeen inuu faraha ka laabto barnaamijka uu karkarinayo ee ka horimaanaya qawaaniinta dalka u degsan ee Dowladda Federaalka ahi u xilsaaran tahay.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *