Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Dowladda Farmaajo oo ku hafatay mowjado siyaasadeed oo ka hor yimid?

Dowladda Farmaajo oo ku hafatay mowjado siyaasadeed oo ka hor yimid?

Madal Furan – Waxay aheyd dowlad xiiso weyn loo qabay oo ku ordeysay masaafo aad u dheer, waxay aheyd dowlad ay shacabka Soomaaliyeed la garab istaageen cududooda iyo aqoontooda inaysan marnaba liicin.

Waxay aheyd dowlad laga filayey in looga baxo dib-u-dhicii nololeed ee Rubuc qarniga ay Soomaalidu soo dhex dabaalaneysay.

Waxay aheyd dowladii qaaday tallaabooyinkan:-

  • Dowladdii soo celisay hawadda maamulka hawadda Soomaaliya
  • Dowladdii u qareentay oo soo deysay maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xirneyd jeelasha waddamada shisheeye.
  • Dowladdii awooda u yeelatay inay bixiso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.
  • Dowladdii lagu amaanay la dagaalanka musuqmaasuqa.
  • Dowladdii qorshuhu ugu jiray inay doorasho cod iyo qof ah qabato sanadka 2021ka.
  • Dowladdii dhexdhexaaka ka noqotay xiisadii dowladdaha Khaliijka.
  • Dowladdii DP World u diiday inay dalka ka sii shaqeyso.
  • Dowladdii u tafaxaydatay middeynta ciidamadda Qaranka.
  • Dowladdii dhexda kaga jirtay dib-u-eegista Dastuurka.
  • Dowladdii Madaxweynaheedu socdaalka ku maray goboladda dalka qaarkood.
  • Dowladdii iska ilaalisay khilaafka dhexdeeda ah sida shaqo wanaagsan loo helo.
  • Dowladdii shirarka Caalamiga ah ka dhex muuqatay ee indhaha caalamku eegayeen.
  • Dowladdii isku dayday inay la dagaalanto musuqmaasuqa.

Haddaba, maxaa sababay in mudo Toddobaad gudihiisa ah ay dowladdii noocaas aheyd ay jilbaha dhigato mar keliya?

Waxaa jira aragtiyo kala duwan oo muujinaya in ay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay eersatay.

Go’aan jilicsan.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu xantaa inuu dhibaatooyinka qaarkood marka ay soo wajahaan uu qolkiisa hoosta ka xirto oo ay ku adkaato inuu xataa ka hadlo, waxaana ka mid ah:

  1. Dhiibistii Qalba Dhagax
  2. Weerarkii loo geystay siyaasiyaga C/shakuur C/raxmaan.
  3. Maamuladda Goboladda oo ka hiryimid siyaasadiisii dhexdehxaadnimada aheyd ee khilaafkii dowladdaha Khaliijka.
  4. iyo tan hadda taagan ee mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari oo weliba lagu eedeynayo Raysal wasaarihiisa Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ee ahaa in dowladdan uu ka ilaalin doono khilaaf sababi kara in maamul xumo ku timaado, balse xilligan ayaa si weyn loo hadal hayaa in Raysal Wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari uu dagaal siyaasadeed oo fool xumi ku dhex marayo masraxa siyaasadda.

Dagaalkan oo noqday mid baahay gaarayna cid walba ayaa la filayey in Madaxweyne Farmaajo si dhaqso ah u soo dhex galo si uu dabkaas u damiyo, balse waxaa muuqata inuu ka aamusay oo ka gaabsaday inuu dhex dabaasho muranka siyaasadeed.

Aragti kale ayaa sheegaysa in dowladda Farmaajo ay eersatay herddenka siyaasadeed ee Waddamada Khaliijka u dhexeeya kadib markii dowladdu sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay, balse ay dowladda Qadar u janjeersatay.

Galaangalka ay dowladdaha Imaaraadka iyo Qadar ay ku leeyihiin siyaasiyiinta Soomaalida ayaa loo aaneyn karaa inuu sababay inuu qarxo dagaal siyaasadeed oo si adag u dhex maraya Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaan ciddina inkiri Karin in Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne  Farmaajo ay mudo soo dhex jibaaxaysay mowjado siyaasadeed oo kaga imaanayey  siyaasiyiinta Soomaalida iyo danaha dowladdaha shisheeye ka leeyihiin Soomaaliya oo qayb weyn ka ah walaaqa siyaasadeed ee Soomaaliya ka degi la’dahay, kuwaasoo ugu danbeyntii u muuqda inay guuleysteen isla markaasna ay hafiyeen dowladdii xiisaha weyn loo qabay.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *