Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Maxaa ka cusub wada hadallada Mogadishu ka socda?

Maxaa ka cusub wada hadallada Mogadishu ka socda?

Wararka naga soo gaaraya magaalada Mogadsishu ayaa waxay sheegayaan in shirarkii ugu dambeeyay ee dhexmaray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxwaynayaasha Jubbaland iyo Puntland, waxay tilmaamayaan in laga heshiiyay qodobbadii hor taagnaa in wada hadalka si rasmi u billaabmo, taasoo ay ka mid ahayd in ciidanka Federalka ee Gedo dib loogu soo celsho magaalada Muqdisho, lana abuuro jawi kalsooni ay ku wada shaqeyn karaan, xukuumadda Federalka iyo Jubba land. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in lagu marti geliyo shirka Mogadisho dhammaan dhinacyadi saxiixay Dhuusamreeb3 si loo gaaro heshiis dhameystiran; Madadxwaynaha Jubbalanad mar uu ka hadlayey Aqalka Sare maantay waxa uu caddeeyay, in haddii shirku ku furmo wada hadal u dhaxeeya saddexda masuul hadda Muqdishgo ku wada sugan, ay dhaawici karto kalsnoonida siyaadda Soomaaliya ee qabiilka ku saleysan.

Warar kale oo hoose ay heshay in Madalfuran ayaa waxay sheegayaan in Madaxwayne Deni iyo Madaxwayne Axmed Madoobe, ay muujiyeen tanaasulaad ku aaddan Dhuusamareeb3 , ayna diyaar u yihiin in heshiis kama dambeys laga gaaro inta aysan Xamar ka soo tegin inkastoo aan weli caddeyn inta uu le’eg yahay tanaasulka ay muujiyeen.

Shirka Mogadisho waxa uu ku soo aadayaa xilli ay dhammaanayso muddo xileedka hay’adaha Dawaladda Federalka, iyadoo aan weli heshiis laga aheyn qaabka iyo nooca doorashada dalku geli doono, indhaha caalamaka iyo shacabka Soomaaliyeed waxay eegayaan waxa ka soo baxa gunnaanadka shirka Mogadisho, iyadoo walaac iyo shaki wayı laga muujinayo sida ugu guuleysan karaan fulinta heshiis kasta oo laga gaaro arrimaha dooraashooyinka 2020/2021

Leave a Reply

Your email address will not be published.