Tuesday, August 11, 2020
Hoy > Warka > MILKIILIHII BLACK WATER OO HESHIIS LA GALAY MAAMULKA PUNTLAND.

MILKIILIHII BLACK WATER OO HESHIIS LA GALAY MAAMULKA PUNTLAND.

Maantay 30 November: Waxaa heshiis kala saxiixday dawlada Puntland iyo shirkad lagu magacaabo Frontier Service Group oo fadhigeedu yahay Hong Kong.

Heshiiska ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay ballaarinta Airportka General Mohamed Abshir Garowe iyo abuurida xarun maalgashi (Free Zone).

In kastoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin heshiiska nooca uu yahay lana caddaynin danaha shirkadu ka leedahay maalgashiga intaas leeg, hadana warar hoose ayaa wexey sheegayaan, in heshiiskani la mid yahay heshiiskii eey shirkadani la saxiixatay Madaxweynihii hore ee KG, Shariif Hassan tariikhdu markey ahay 22 June, 2017 sida eey qortay wakaalada Reutaurs; waxayna ku sheegtay inuu ahaa heshiis qarsoodi ah, ayna is hortaagtay dawladda dhexe.

https://www.garoweonline.com/so/news/somalia/mulkilahii-shirkada-blackwater-oo-heshiis-la-galey-koonfur-galbeed-somalia

https://www.reuters.com/article/somalia-frontier-service/blackwater-founders-fsg-signs-security-deal-with-somali-region-idUSL8N1IE2O9

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *