Tuesday, August 11, 2020
Hoy > Warka > Akhri Xog:- Dagaal Boosaaso ka dhaca iyo saameynta uu yeelan doono.

Akhri Xog:- Dagaal Boosaaso ka dhaca iyo saameynta uu yeelan doono.

Boosaaso waa magaalo caynkee ah.

Magaaladda Boosaaso waa magaalo ka mid ah kuwa ugu shacabka badan Soomaaliya ay ku nool yihiin, waxaana lagu qiyaasaa dadweynaha ku nool 600 ilaa 700 oo Kun oo ruux oo isuga jira dadka deegaanka, Barakacayaal, Soomaalida ku ganacsata magaaladda iyo qowmiyadaha dalka Itoobiya ee tahriibta u yimaada magaalo xeebeedka Boosaaso.

Waa magaalo ganacsi oo leh Dekad ay ganacsatada Soomaalida kala soo degaan badeecadahooda, isla markaasna hantida ganacsiga ee gudaheeda taal lagu qiyaaso Boqolaal Milyan oo Doolar, waxaa sidoo kale ku yaal xarumaha waxbarashada ee ugu badan Puntland sida Dugsiyada Hoose, kuwa Dhexe, Jaamacado, Dugsiyo iyo mac’hadyo diimeed iyo kuwo cilmi isugu jira.

Xarumaha caafimaad ee magaaladda Boosaaso ayaa u badan kuwo ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana adag in xiliyada dagaalka ay la tacaalaan dhaawacyada qaliinka u baahan maadaama ay aad u yar yihiin dhakhaatiirta qaliinka takhasuska u leh.

Dadka ku nool magaaladda Boosaaso ayaa u badan, xoogsato muruqmaal ah, ganacsato yar yar, dad aan shaqeyn (Baagamuudo)  iyo dad maato ah oo waayeel, curyaamo iyo dad dhimirka ka xaruunsan isugu jira.

Magaaladda Boosaaso waxay leedahay hal jid oo beriga ah iyo xeeb dhererkeedu yar yahay, waxaana magaaladda inteeda kale ku wareegsan buuraha silsilada Golis oo ay adag tahay in lagu dhex lugeeyo, waxaa Labada dacal ee Bariga iyo Galbeedka ka fadhiya ciidamada PIS iyo PSF ee Mareykanka iyo Imaaraadka Carabtu ay maamulaan, waxaana arrimahaasi ina tusayaan inay adkaan doonto inay qaxaan dadka magaaladda gudaheeda ku nool haddiiba uu bilowdo dagaal.

Dekedda Boosaaso iyo deegaanada ay noloshooda ku tiirsan tahay.

Badeecadaha kala duwan ee ka soo degga dekedda magaaladda Boosaaso iyo Xoolaha Nool ee ka dhoofa ayaa waxaa ka faa’iideysta goboladda Puntland, goboladda dhexe ee Soomaaliya, gobolka Hiiraan iyo qaybo ka mid ah dhulka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Boqolaal Kun oo qoys ayaa waxaa ku tiirsan macaashka ganacsiga isaga goosha Boosaaso iyo deegaamada aan sare kaga soo hadalnay, waxaana kala go’ ku yimaada ganacsigooda uu sababi karaa in qiimo korkor ku dhaco badeecadaha ay nolosha bulshaddu ku tiirsan tahay.

Dagaal ka dhaca magaaladda Boosaaso.

Dadka waaya aragnimada u leh colaadaha sokeeye iyo dagaaladda ayaa rumeysan in haddii uu dagaal ka dhaco gudaha magaaladda Boosaaso uu horseedi doono musiibo bi’niaadanimo oo baaxad leh oo soo gaarta dadweynaha faraha badan ee ku nool magaaladda gudaheeda, iyadoo dagaalkaaas ay naftooda ku waayi doonaan tirada uga badana  ay noqon doonaa dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaalamaya.

Waxaa xirmi doona suuqyada ganacsiga, iyadoo ay dhici karto in magaaladda  ay soo wajahdo koronto la’aan, biyo la’aan iyo Isgaarsiinta oo go’da.

Wuxuu kaloo dagaalku ka qayb qaadan doonaa in barakac aan jiho leyn uu ku ridi doono dadka maantada ah ee tabarta darran, wuxuuna  sababi doonaa go’doon dhinaca isu socodka gaadiidka ah iyadoo la waayi doono dhamaan adeegii khudradda, caanaha, xaabada iwm.

Sida lagu yaqaan dagaal sokeeye ma noqdo mid ciddina mahdiso wuxuu maalin walba oo waageedu uu beryo yeeshaa weji cusub oo ka yaab badan midkii shalay la soo maray, wuxuuna ugu danbeyntii dagaalka noocan oo kale ahi sababi karaa aano qabiil iyo aar goosi mudo dheer jiitama oo reeba uur kutaalo.

Wejiyada dagaalka.

Dhinacyada dagaalamaya oo kala wata afkaaro is diidan ayaa waxaa ay noocyada hubka culus iyo kan fudud u isticmaali doonaan gudaha magaaladda iyadoo dariiqyada furana ay Tiknikada gaadiidka saarani ay ka afuufi doonto rasaasta Shilkaha, Zuu-ga, Baroonka iyo dhamaan qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaasoo aan yeelan doonin jiho la hubo, balse ay beegsan doonaan gurha dabaqyada ah iyo daaraha ay dusha ka saran yihiin jiigadaha (Laamayeeriya).

Waxaa kaloo dagaalka ka dhaca Boosaaso la saadaalinayaa in dhinacyada dagaalamaya ay isu adeegsan doonaan rasaasta ka dhacda qoriga Jeep-ka, Baasuukaha, Banbooyin iyo walxaha qarxa hubkaanoo lagu tilmaamo inay ka mid yihiin aafooyinka wax gumaada.

Dariiqyada magaaladda ayaa noqon doona kuwo wehel u noqda rasaasta ay isku liishaamayaan ciidamadda dagaalamaya iyadoo dadweynuha qaxayana aysan ka badbaai doonin waxyeelada hubka la isku ridayo.

Nabad ma lagu soo dabaali karaa cabsida dagaalka laga qabo.

Haa, waa sidaas jawaabtu, waa haddii Madaxweynaha Puntland dareemo in magaaladda Boosaaso ay ka soo badbaaday dagaaladii Sokeeye,  gacana ka geysatay nolosha Soomaali badan, inaysan ku danbeyn maanta dagaal sokeeye oo ka dhaca oo taariikhda loogu qoro Siciid C/laahi Deni, waayo, dagaal dhaca xiligan casriga ah wuxuu dhalin karaa musiibo la saadaalin karo iyo musiibo aan la saadaalin Karin waxa ay dhali doonto.

Waxaa haboon in laisla ogolaado in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka jira iyadoo Labada dhinacba ay tanaasul muujinayaan.

Culimadda, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ruug caddaaga ahi inay isu xilqaamaan sidii looga hortegi lahaa dagaal lagu hoobto oo ka dhaca magaaladda Boosaaso Gudaheeda.

Gunaandkii, waxaa hubaal ah inay adkaan doonto in qolona ay  guul  kala cimaamadato  dagaal ka dhaca gudaha  magaaladda Boosaaso, basle, wuxuu noqon doonaa dagaal yeesha taariikh fool xun oo jiilba jiil u gudbiyo sheekadiisa, iyadoo ay intaas ay dheeraan doonto dhimasho, dhaawac, burbur, halaag  iyo dib-u-dhac loo siman yahay in dagaalkaasi kaga tago magaaladda Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *