Tuesday, August 11, 2020
Hoy > Warka > Daawo:- Suldaan ku eedeeyey Muuse Biixi inuu siyaasadeynayo xal ka gaarista colaada Ceel-afweyn

Daawo:- Suldaan ku eedeeyey Muuse Biixi inuu siyaasadeynayo xal ka gaarista colaada Ceel-afweyn

Madal Furan – Suldaanka guud ee beelaha Biciide Sul. Siciid Yuusuf Ducaale ayaa si adag uga hor yimid qorshaha cusub ee lagu dhammaynayo colaadda Ceelafweyn muddada dheer ka taagnayd.

Waxa uu madaxweynaha iyo wasiirkiisa Daakhiliga Maxamed Kaahin ku eedeeyay in ay siyaasadaynayaan hannaanka nabadaynta kadib markii beelaha hoose ee colaaddu u dhexayso lagu koobay arrinta nabadaynta.

Waxa uu sheegay in aanay beelaha hadda wada hadalku u socdo oo kaliya saamayn colaadda Ceelafweyn laakiin, dadyow kale dad kaga dhinteen.

Halkan ka daawo:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *