Tuesday, August 11, 2020
Hoy > Warka > Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaaladda Kismaayo+Sawiro

Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaaladda Kismaayo+Sawiro

Kismaayo (Madal Furan) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Dani iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa saaka waxay magaaladda Kismaayo ku tageen diyaarad si gaar ah uu u soo diray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), waxaana ay ka degeen garoonka diyaaradaha ee magaaladdaas.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Wafdiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, waxaana la filayaa inay si wadajir ah saxaafada ula hadlaan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa ka mid ah wafuuda ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taasoo dhici doonta maalmaha soo socda.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ay isu diyaarineysa marti gelinta wafuuda imaaneysa ee ka qeyb galeysa caleema saarka Axmed Madoobe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *