Monday, October 14, 2019
Hoy > Warka > Madaxweyne Puntland oo magacaabay Taliyaha qaybta gobolka Sanaag.

Madaxweyne Puntland oo magacaabay Taliyaha qaybta gobolka Sanaag.

Boosaaso (Madal Furan) -Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag.

Akhriso Digreetada

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

========================================================

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *