Monday, October 14, 2019
Hoy > Warka > Guddoomiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo booqasho ku tegay magaaladda Baydhabo

Guddoomiyayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo booqasho ku tegay magaaladda Baydhabo

Baydhabo (Madal Furan) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  oo uu weheliyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa waxay maanta booqasho ku tageen magaaladda Baydhabo halkaasoo si aad u ballaaran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galabeed, guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka KG iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan golayaasha maamulka KG ayaa waxay wefdigan kaga hortageen garoonka diyaaradaha ee magaaladda Baydhabo, halkaasoo ay sis are ugu soo dhoweeyeen.

Dhoowaan ayaa la filayaa in magaaladda Baydhabo uu si rasmi ah uga furmi doono kalfadhiga Shanaad Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana furitaanka kulankaas ka qayb qayb qaadan doono Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti  Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  iyo Maxamed Cali Xaamud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *