Monday, October 14, 2019
Hoy > Warka > Deegaanka Camaara oo Ciidamada dowladdu kala wareegeen ururka Al-shabaab.

Deegaanka Camaara oo Ciidamada dowladdu kala wareegeen ururka Al-shabaab.

Gaalkacyo  (Madal Furan) – Ciidamadda milateriga Soomaaliya ee qaybta 21-aad ayaa la xaqiijiyey inay la wareegeen deegaanka oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalkan oo ah mid balaaran ayay ciidamadu ku galeen dhamaanba xaafadaha deegaanka Camaara iyadoo halgalka ciidamada uu hogaaminayey Gen. C/Casiis C/llaahi(Qooje) oo ah Taliyaha qeybta 21-aad wuxuuna hadal u jeediyey Shacabka ku dhaqan Camaara isagoo u aaaa sheegey in ciidamadu ay horay usii socon doonaan Qorshuhuna yahay in la gaaro dhamaanba deeganada kale ee aan Xorta aheyn.

Gaadiidka dagaalka ee xoogga dalka ayaa si rasmi ah ugu sugan waddooyinka Camaara iyo deeganada ku dhow dhow,waxaana farxad iyo reyn reyn ku soo dhaweeyay ciidamada shacabka Camaara oo ku faraxsan howlgalada lagu bacsanayo koxda jid iyo jahdiidka ah ee Shabaab.

Tallaabadan ayaa waxay qayb ka noqoneysaa horumarka ay ciidamada dowladdu ka sameynayaan deegaamada ay horay u maamulayeen ururka Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *