Monday, October 14, 2019
Hoy > Warka > Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Amisom iyo khasaare ka dhashay.

Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Amisom iyo khasaare ka dhashay.

Muqdisho (Madal Furan) – Qarax loo maleynayo inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo lagu hagayey romote Kontorol ayaa maanta barqanimadii lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Amisom oo marayey Isgoyska SOS ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah,waxaana la sheegay in uu haleelay mid kamid ah Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan AMISOM,waxaana jirtay qaraxa kadib rasaas farabadan oo ay fureen Ciidanka AMISOM

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay arkeen dhaawacyada laba ruux oo Shacab ah,kuwaas oo ku sugnaa halka uu ka dhacay qaraxa, isla markaana loo qaaday Goobaha Caafimaad ee ku yaalla Magalada Muqdisho

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha kasoo gaaray Ciidamada AMISOM qaraxaasi Miino,waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadu ay joojiyeen isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadada isku xirta Xaafada suuqa Xoolaha ilaa iyo Isgoyska Ex-Koontoroo Balcad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *