Monday, October 14, 2019
Hoy > Warka > Weriye Coldoon oo mar kale maxkamadi xukuntay

Weriye Coldoon oo mar kale maxkamadi xukuntay

Hargeysa (Madal Furan) – Maxkamada racfaanka ayaa ayiday xukunkii dheeraa ee hore maxkamada gobolku ugu xukuntay Abdilmalik Musa Coldoon ee 3da sano iyo 6da bilood ahaa

Maxkamadu may wargelinin qareenkiisii Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela kaas oo ahaa qareenkiisa qudha kadib markii qareen Mubaarik Cabdi joojiyay shaqadii qareenimo ee uu somaliland kahayay isaga oo ku sababeeyay in somaliland aan sharciga laga ixtiraamin. 2dii qareen ee solja ay uqabatay coldoon qareen maxamed abokor iyo qareen maxamuud cabdiraxmaan ayaan iyaguna dacwada racfaanka kaba soo muuqan mudadii lagu gudo jiray

Cabdimaalik muuse Coldoon oo ka aamin baxay nidaamka garsoorka iyo cadaalada somaliland ayaan wax ambiila uqaadanaynin maxkamada sare

Cabdimaalik oo xabsiga ugu jiray cabiraada afkaarihiisa uu ku soo bandhigo barta uu ku leeyahy Facebook ayaa mudadii uu xidhnaa ee 6da bilood iyo dheeraadka ahayd dadka ay kuwada xidhanyihiin jeelka u dhigaayay luuqada carabiga,barashada diinta iyo Tafsiirka Quraanka Kariimka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *