Monday, October 14, 2019
Hoy > Warka > Nin aasayey qarax miino oo Ciidamada dowladdu ay toogasho ku dileen.

Nin aasayey qarax miino oo Ciidamada dowladdu ay toogasho ku dileen.

Jowhar (Madal Furan) –  Taliyaha Qaybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Gen. Axmed Maxamed Treedisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Warka waxaa uu intaasi raacinayaa in ninka la toogtay uu miino ku aasayay waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan deegaanka Gololleey ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ninka miinada aasayay uu sidoo kale watay bistoolad uu doonayay in uu isku difaaco haddii la arko.

Ururka Al-shabaab ayaa mudooyinkan danbe waxay kordhiyeen weerarada dhinaca miinooyinka dhulka lagu aaso, wixii ka danbeeyey weerarada joogtada ah ee dhinaca cirka uga imaanaya iyo weliba kuwa ay qaadayaan milateriga Soomaaliga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *