Monday, October 14, 2019
Hoy > Fikradaha > Daawo: Siyaad Bare oo si qoto dheer uga sheekeeyey sababtii ay isku qoonsadeen Gen. Gabeyre

Daawo: Siyaad Bare oo si qoto dheer uga sheekeeyey sababtii ay isku qoonsadeen Gen. Gabeyre

Madal Furan – Marka hore ogow ninka uu ahaa Salaad Gabeyre Kidiye, waxuu ahaa Soomaali ka tirsanaan jiray Militarigii waddankiisa intii u dhaxeysay sanadihii 1950-nadii ilaa 1970-nadii. Waxa uu ahaa xirfadle aad loogu tababaray ciidannimo, gaar ahaan xeeladaha militariga.

Salaad Gabeyre wuxuu ka mid ahaa 14kii Sarkaal ee ugu horeeyey oo cilmiga Milateriga ku soo qaatay kuliyadda ku taal dalka Talyaaniga sanadkii 1950kii, Bilado aqoonsiya oo uu xirfad wanaagiisa ciidanimo ku qaatay ayuu ka helay Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed (SNA).

1950-nadii ilaa 1970-nadii. Waxa uu ahaa xirfadle aad loogu tababaray ciidannimo, gaar ahaan xeeladaha militariga ee Akadamiyada Frunze Academy oo ahaa dugsi ciidan oo ku yaala magaalada Mosco  dalka Ruushka ayuu Salaad Gabeyre kusoo qaatay tababar ciidan.

Wuxuu ahaa maskaxdii ka danbeysay Afgambigii Militari ee Kacaankii 21kii Oktoobar uu xukunka ku qabsaday Jaalle Maxamed Siyaad Barre, waxaana xiligaas loo aqoonsaday in loo aqoonsado Aabihii Kacaanka 21-ka Oktoobar, kaasoo markii dambe ay dad badan u qaateen inuu ahaa Maxamed Siyaad Barre ninka saxda ah ee ahaa Aabihii Kacaanka 21-ka October ee sanadkii 1969-kii.

Kediye waxa uu ka mid noqday koox uu Madaxweynihii Militariga ahaa, Maxamed Siyaad Barre, ku eedeeyay “Isku Day Afgambi” 2 sano oo keliya markii uu jiray Kacaankii afgembiga ku yimid ee uu kula wareegay hogaanka Soomaaliya.

Taas waxa ay keentay In Salaad Gabeyre Kediye la xiro, laguna xakumo dil toogasho ah isaga iyo rag kale oo iyana lagu eedeeyay in wax kala maleegayeen afgambigaas.

Salaad Gabeyre Kediye bishii ee July 1972-kii loo toogtay kadib markii loo aqoonsaday nin abaabulay afgembi ka dhan ah Kacaanka oo uu doonayey inuu ku maroorsado xukunka, waxaana uu ka mid noqday dadkii ugu horeeyey ee uu qabtay sharcigii kacaanka ee uu isagu wax ka dejiyey ee qorayey in la deldelo ciddii ka hortimada Kacaanka ama khiyaameysa, sidaas ayaana noloshiisu ku soo afmeertay.

Halkan ka dhegeyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *