Monday, October 14, 2019
Hoy > Fikradaha > Faallo:- Maxaa sababay in Shacabka Somaliland ay 21kii sano ee Kacaankii Siyaad Barre rumeystaan inay guranayeen mirii Janadda?

Faallo:- Maxaa sababay in Shacabka Somaliland ay 21kii sano ee Kacaankii Siyaad Barre rumeystaan inay guranayeen mirii Janadda?

Hargeysa (Madal Furan) – Ma aha wax qarsoon in deegaanada Somaliland uu halakeeyey fakhri iyo dhaqaale xumada ku baraahsatay shucuubta ku dhaqan goboladda maamulka Somaliland ka kooban yahay.

Dadka dhaqaalaha ka faalooda ayaa sheegaya in gudaha Somaliland laga dareemayo Labada dabaqadood oo ku kala sareeya heerka nololeed, waxaa ka jira dabaqad aan tiro badneyd oo hantidoodu karkaarada jebisay iyo dabaqad dhul yaal ah oo la ciirciireysa nolol maalmeedka ay ku noolaan lahaayeen.

Xoriyada hadalka.

10kii sano ee la soo dhaafay maamulka Somaliland wuxuu caburin ku hayey xoriyada hadalka, taasina waxay sababtay in xabsiyada laga buuxiyo Suxufiyiin, Wadaado, Suugaanyahan iyo Waxgaradka afka ku kala qaada dhibaatooyinka musuqmaasuqa iyo hagardaamada ee ka dhex jirta hay’adaha dowladda iyo guud ahaan maamulka sare ee Somaliland.

Awood qaybsiga.

Goboladda Sool, Sanaag iyo Awdal ayaa waxay dareemayaan sad bursi la xiira awood qaybsiga Golayaasha Dowladda, Hay’adaha Madax Banaan, Saraakiisha sar sare ee ciidamada.

Goboladda Dhexe ayay farta ku fiiqaan inay isku fuuqsadeen dhaqaalihii, awoodii ciidanka, Shirkaddaha gaarka loo leeyahay, Saraakiisha sareee qaybaha ciidamada iwm.

Siyaasadda.

Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliland ayaa ku dhowaad mudo 30 sanadood ah waxay ku soo caanamaalayeen siyaasad ku qotontay raadinta aqoonsi caalami ah oo gobolka loogu aqaansado dowlad ka madax banaana Somaliweyn.

Tacliinta ugu weyn ee bulshadda Somaliland ay siyaasiyiintu ku quldaaminayeen mudada dheer ayaa waxaa ugu weynaa hadal haynta xuduudii Ingiriisku u jeexay dhulka Somalialnd iyo siday uga fogaan lahaayeen isla markaasna nacayb ugu qaadi lahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboladdii uu Talyaanigu gumeysan jiray.

Xisbiyada Somaliland.

Somaliland waxaa ka jir Saddex Xisbi oo kala ah Waddani oo uu hogaamiyo C/raxmaan Maxamed Cabdulaahi (Cirro), UCID oo uu Guddoomiye u yahay Faysal Cali Waraabe iyo Kulmiye oo ah xisbiga talada haya oo uu shirgudoonkiisa leeyahay Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha hadda talada waddanka hogaaminaya.

Saddexdan Xisbi ayaa lagu tilmaamaa kuwo leh astaamaha qabiilka Isaaqa maadaama ay hoggaanka u hayaan Saddex nin oo Ilmo adeer ah, mana jiro Xisbi Afaraad oo beelaha gobolada Sool, Awdal, Sanaag iyo Cayn ay ku suntan yihiin, sidaas awgeedna ay lama huraan tahay in shacabka goboladaas ku nooli noqdaan kuwo ay Saddexdaas Xisbi codadkooda ku xisaabtaan siday ugu kala  adkaadaan lahaayeen hoggaanka Somaliland.

Ciidamada Somaliland.

Tirakoobka Ciidamada Somaliland ayaa ah mid qarsoon, balse marka la eego miisaaniyada dowladda isku magacawday Somaliland ayaa la sheegaa inay ku dhow yihiin 17 Kun oo Askeri.

Taliska ciidanka Somaliland ayaa wuxuu ka mid yahay hay’adaha ugu muhiimsan marka laga hadlayo qaaciidada ah “Maalin Taajirnimada” waxaana la sheegaa in bil walba ay ku baxdo adduun lacageed oo gaaraya US $ 4,200,000 (Afar Milyan Laba Boqol Kun oo Doolar).

Nidaamka awood qaybsiga ciidamada Somaliland ayaa waxay la mid tahay tan Golaha Xukuumadda ama nidaamka Xisbiyada ee ka jira Somaliland, waxaana halkaan ku eegi doonaa xogaha dahsoon ee Saxaafadaha la soo mariyey ee ku qotoma saamiga tirade ciidamada goboladda Sool, Sanaag iyo Awdal ay ka heleen 17 Kun ee Askeri ee Somalialand leedahay.

Gobolka Sool – 500 Askeri

Gobolka Sanaag – 468 Askeri

Gobolka Awdal – 2000 Askeri

Gobolada kale ee Dhexda loo yaqaan – 13,000 Askeri

Ciidanka Qaranku waxay leeyihiin 18 hogaan iyadoo 16 hogaan iyo Taliyaha ciidamaduba ay la hayb yihiin Madaxweyne Muuse Biixi.

Hogaanka gaadiidka, hogaanka Taangiyada, hogaanka Saadka, hogaanka hubka iyo rasaasta, hogaanka madaafiicda, hogaanka lacagta, hogaanka caafimaadka, hogaanka Wacyigelinta, hogaanka tababarka, hogaanka taakulenta iyo shidaalka, hogaanka aaga bari, hogaanka tababarada dibadda, hogaanka hawlgelinta aaga dhexe qaybtiisa Saddexaad, hogaanka sancada, hogaanka xiriirka iyo is gaarsiinta, hogaanka qalabeynta ciidamada.

Dhamaan ciidamadan iyo laamahan ayaa waxaa ay hoos harsadaan Gen. Nuux Ismaaciil (Taani) oo ah Taliyaha Guud ee ciidamada qalabka sida.

Dhaqaalaha ugu badan ciidamada Soomaaliland ku baxa ayaan laheyn wax xisaab celin ah, iyadoo aysan jirin awood Hantidhowrku ku baari karo sida loo isticmaalo dhaqaalaha faraha badan ee ku baxa Ciidamada.

Taliye Taani isaga ayaa isu ah Taliye, Xisaabiye, khasnaji iyo Hantidhore intaba, taasina waxay horseeday in ciidamada Somaliland uu ka dhex abuurmo musuqmaasuq sababay in Taliyayaasha ciidamadu ay ku dul noolaadaan Askeriga qarameysan oo xuquuqda uu bishii helaa aysan gaarin 100 Doolar.

Mashaariicda iyo qandaraasyada.

Shacabka Soomaaliland oo xiligii dowladii Kacaanka heli jiray adeeg dhameystiran oo bilaash ah ama qiime yar laga siin jiray ayaa iminka nolosha ku kala tegay, waxaana in badan oo ka mid ahi aysan iibsan karin adeegyada Caafimaadka, Waxbarashadda, nadaafadda iwm, kuwaasoo berisamaadkii lacag la’aan aheyd.

Somaliland waxaa ka jira shirkado gaar loo leeyahay oo ka macaasha Biyaha, Nadaafadda, awooda Korontadda, Waxbarashadda iyo caafimaadka, waxaana ay wax ku gataan qiime aad uga sareeya tan loo qorsheeyey inay dowladdaha Hoose dadweynaha kaga haqab tiraan oo meesha ka maqan.

Dhinaca kale, waxaa jira shirkado waaweyn oo ka faashleeya qandaraasyo ay dowladdu ku naasnuujiso, waxaana ka mid ah shirkaddaha shidaal barista, kuwa shidaalka keena, Haamaha shidaalka Berbera, dhismaha iyo sameynta jidadka, shirkadda hubka soo waarida, kuwa ganacsiga xoolaha nool iyo badeecadaha dibadda laga keeno, shirkaddaha barista macdanta, shirkadda Boostada iyo kuwo kale oo badan, waxaana lagu xantaa shirkadahaas inay dhabarka ku hayaan masuuliyiingta maamulka oo ay sheerer ka siiyaan waxa ay ka macaashaan hawlaha ay gacanta ku hayaan.

Waxaa jira cabashooyin is dabajoog ah oo dadweynahu ka muujiyeen heshiiska maamula Somaliland uu mulkisiiyey shirkadda DP World dekedda Berbera iyo Saldhig Milateri mudo 30 sanadood ka badan.

Heshiiska shirkaddaas uu la galay maamulka Somaliland ayaa ah mid mugdi iyo madmadow uu kaga jiro shacabka reer Somaliland, xukuumadd somalilandna ay ku guul darreysatay inay dadkeeda ka qanciso.

Ugudanbeyntii, meelaha ugu darran ee cadaalad darada Somaliland ay harsanayso ayaa ka mid ah hay’adaha Garsoorka, Qandaraasyada, xuquuqul Insaanka, Xoriyada fikirka iwm.

Waxaa xabsiyada Somaliland weli ku xiran Culimo, Weriyayaal, Fanaaniin iyo shakhsiyaad kale oo fikirkooda ku muujiyey khaladaadka iyo musuqmaasuqa, iyaadoo qaarkoodna loo xiray sababo la xiriira tegitaan ay magaaladda Muqdisho ku tageen safari aysan xukuumadda Somaliland raali ka aheyn.

Waxaa dhowr goor oo hore xabsiga la dhigay Boqor Buur Madow iyo Waxgarad kale oo ka hadlay arrimo aan nidaamka Somaliland raali gelin.

Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa beryahan deegaamada Somaliland ku soo badanaya guux la xiriira boholyow ay shacabka Somaliland ku muujinayaan midnimadii ummadda Soomaaliyeed, waxayna isweydiinayaan waxa ay ka dhaxleen burburintii dowladdii Kacaanka aheyd ee Maxamed Siyaad Barre iyo waxa ay ka faa’iideen maamulka ictiraafka raadinaya ee maamulka Somaliland.

Dhamaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *