Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Kalfadhigii 4-aad ee Aqalka Sare oo dhowaan la shaaciyey inuu furmi doono

Kalfadhigii 4-aad ee Aqalka Sare oo dhowaan la shaaciyey inuu furmi doono

Muqdisho (Madal Furan) – Waxaa maanta magaaladda Muqdisho lagu qabtay kulan uu shir gudoominayey Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo ay ka soo qayb galeen Sanitorada Aqalka Saree e ku sugan caasimada.

Kulankan ayaa looga hadlay suurtagalnimada wakhtiga ugu haboon ee uu furmayo Kalafadhiga 4-aad ee Goluhu iyo sidii loogu lafa guri lahaa dadaaladii ay Aqalka Sare ka dhex wadeen DFS iyo Maamuladda Goboladda Soomaaliya.

Kuankaas ayaa waxaa la isku weydaarsaday fikrado ay Senataradu ku cabireen aragtitooda ku wajahan wakhtiga furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqala sare uu munaasibka noqon karo.

Senator C/kaafi Macallim Xasan oo ah Habdhowraha Golaha Aqala sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku afgartay in ugu dambeyn la furo kalfadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare 15-ka bishan October.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe ku mashquulsanaa dhammeynta is-afgaran waagii ka dhex jiray Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleredyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *