Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Madaxweynaha Hirshabeelle oo loo maleynayo inuu ka badbaaday mooshin xilka looga qaadi lahaa

Madaxweynaha Hirshabeelle oo loo maleynayo inuu ka badbaaday mooshin xilka looga qaadi lahaa

Jowhar (Madal Furan) – Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa tibaaxya inuu jiro qorshe ay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweyne Waare inay dib u dhigi doonaan mooshinkooda mudo aan la shaacin

Waxaa goor dhoweyd Madaxtooyada Hirshabeelle looga yeeray Weriyayaasha ku sugan magaaladda Jowhar, lamana oga ujeeddada lagala hadli doono, haseyeeshee, warar u dhow dhow Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in halkaas loogaga dhowaaqi doono in xildhibaanada mooshinka ka geeyay Madaxweyne Waare ay ka noqdeen mooshinka ay geeyeen shanti bishan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa halkaa goordhow gaaray waxaana lagu wadaa in uu ku dhowaaqo in laga noqday mooshinkii loo soo gudbiyay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka socday magaalada Jowhar kulamo kala gaar gaar ah kuwaasoo lagu doonayo in lagu joojiyo mooshinka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *