Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Al-shabaab oo digniin ka soo saaray Manhajka waxbarashada ay dhowaan DFS oo bandhigtay

Al-shabaab oo digniin ka soo saaray Manhajka waxbarashada ay dhowaan DFS oo bandhigtay

Muqdisho (Madal Furan) – Ururka Al-shabaab ayaa waxay ka horyimaadeen Manhajka Waxbarashada ee dhowaan ay soo bandhigtay Wasaasaradda Waxbarashada Soomaaliya, kaasoo loogu tala galay inay wax ka bartaan ardayda dugsiyada Soomaaliya

Haddaba, ururka Al- shabaab ayaa wuxuu digniin u diray dhamaan dugsiyada iyo barayaasha Soomaaliyeed, iyagoo ku amraya inay ka fogaadaan Manhajkaas oo ay sheegeen in lagu faafinayo waxyaabo ka hor-imaanaya Diinta Islaamka.

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Al-Shabaab  ayaa sheegay in Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Waxbarashada ee UNESCO ay faafineyso manhaj Waxbarasho oo khaldan, kaasoo ka ka hor imaanaya Diinta Islaamka, isagoo caddeeyay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Waxaa uu  digniin culus u diray Dalladaha Waxbarashada ee dalka, iyagoo ku eedeeyay inay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in manhajka cusub ee Waxabarshada ee dhowaan dowladda soo bandhigtay, kaasoo uu xusay inay ka hor imaaneyso Diinta Islaamka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhawaan ka qeyb galay Munaasabado kala duwan oo loogu tala galay in lagu soo bandhigo Manhaj cusub oo laga bilaabi doono Goobaha Waxbarashadda Soomaaliya

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *