Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya oo u tartamaya kursi baarlamaan

Wasiirka Qorshaynta ee Soomaaliya oo u tartamaya kursi baarlamaan

Madal Furan – Wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa u tartamaya kursiga baarlamaanka ee beeshiisa, kaasoo uu baneeyey xildhibaankii hayey.

Magaalada Garowe ayaa hadda waxaa ka socota doorashada xildhibaankii kursigaas buuxin lahaa, waxaana wasiir Jamaal la tartamaya Maxamuud Cabdullaahi Maxamed.

Doorashada waxaa maamulaysa Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo ayadana Garowe joogta.

Ciddii kursigaas ku guulaysata waxaa kale oo beesha kursiga leh ay u matali doontaa baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya.

Hore xilkaas waxaa u hayey Dhahar Cali Faarax Dhahar oo ay wasiirka jufo hoose isla yihiin, kaasoo dhawaan baneeyey kursigiisii baarlamaanka.

Dhahar ayaa xil diblomaasiyadeed looga magacaabay safaaradda Soomaaliya ee Jabuuti.

Xubno sheegay in ay ka soo jeedaan beesha kursigaas leh ayaa todobaadyadii aan soo dhaafnay soo saaray qoraal ay kaga cabanayaan wax ay ku tilmaameen “faragelin uu wasiirku ku hayo arrimaha beesha”, hase yeeshee wararka aan ka helayno Garowe waxay sheegayaan in khilaafkaas la xalliyey ka dib markii wasiirka iyo xubnihii warqadda qoray ay ku kulmeen Garowe, halkaana ay isku af garteen.

Xubnaha golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa la sheegayaa in badidood ay ka tirsan yihiin baarlamaanka federaalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.