Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Safaaradda Qatar oo loo ogolaaday inay dhoofsato Duur Joog Soomaaliya.

Safaaradda Qatar oo loo ogolaaday inay dhoofsato Duur Joog Soomaaliya.

Muqdisho (Madal Furan) – Qoraal uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya  Dr. Maxamed Cumar Nuur ayaa si toos ah ugu ogolaaday in Safaaradda dowladda Qatar u jooga magaaladda Muqdisho inay dalka ka dhoofsato nooc ka mid ah duurjoogta Soomaalida ee sii dabar go’aysa oo tiradoodu gaareyso 14 xabo oo Sagaaro ah.

Waxaa kaloo qoraalkaas lagu sheegay in si buuxda loo hubiyey caafimaadka xayawaankan dowladda Qadar dhoofsaneyso, isla markaasna amar lagu siiyey Hay’adaha ay khuseyso inay fuliyaan amarka Wasaaradda.

Duurjoogtii ku nooleyd Soomaaliya ayaa intoodii ugu badneyd ugu caansaneyd ay waddanka ka carareen iyagoo ka qaxay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay iyo iyadoo ugaarsi aan kala soon laheyn lagula kacay wixii ka danbeeyey 1991dii.

Wadddamada deriska la ah Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ugaartaasi u haajirtay, iyadoo waddanka ugu badana ee ugaarta Soomaalidu u talaabtay uu yahay waddanka Kenya.

Qoraalka had aka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa durba dadweynaha Soomaalidu si weyn uga naxeen, isla markaasna u ahdal hayaan tallaabada ay u arkaan inay khaldan tahay oo dowladdu ku dhaqaaqdahy.

Halkan ka akhriso qoraalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *