Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Ururka Al-Shabaab oo awood xoog leh ku yeeshay dalka Musaanbiig.

Ururka Al-Shabaab oo awood xoog leh ku yeeshay dalka Musaanbiig.

Madal Furan – Taliyaha Booliska dalka Mozambique, Bernadino Rafael, ayaa waxa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dadka ay dileen jihaadiyiintu ay si weyn tirada la sheegay uga sarreyso.

Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, oo waxa ay galeen tuulooyinka iyagoo sita mindiyo kuwaasi oo ay u adeegsanayeen qoor goynta dadka tuulooyinka.

Waxa ay gubeen in kabadn kun guri sidoo kalana waxa ay weerareen xarumo boolis.

Waxaa loo yaqaanaa Al Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir la leeyihiin kooxda ka dagaalanta bariga Afrika oo ay isku magaca yihiin. Waxaana la aaminsayahay in ay malaayiin doolar ay ka heelan iibinta alwaaxa iyo macadanta.

Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka biloowmay dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *