Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Ciidamada AMISOM oo ka badbaaday qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Ciidamada AMISOM oo ka badbaaday qarax ka dhacay magaaladda Muqdisho

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu qarax xoog lihi ka dhacay meel aan ka fogeyn warshadii Baastada .

Qaraxan ayaa goobjoogayaal sheegeen in loo qorsheeyey inuu qabsado Kolonyo ciidamada AMISOM ka tirsan oo wax yar ka hor halkaas maray, waxayna u ekeyd inay aheyd miino laaagu aasay jidka hareertiisa.

Ugu yaraan Laba qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in dhibaato ka soo gaartay qaraas, balse ilaa iminka si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxaasi geystay.

Qaran oo ahaa mid aad u xoog weyn ayaa la arkay qiimo iyo uuro samada sare isku shareeray, iyadoo dadka deegaankaas ka ag dhow ay maqleen jugta qaraxan oo ahaa mid aad u culus.

Ciidamada amaanka ayaa si dhaqso u tegay goobta dhibtaadu ka dhacday iyagoo isku gadaamay agagaarka goobta qaraxa, balse ilaa iminka si dhab ah looma oga in cid loo qabtay iyo in kale.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *