Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Hogaamiye ka tirsanaa Al-shabaab oo isu sharaxay Madaxweyne Dowlad Goboleed

Hogaamiye ka tirsanaa Al-shabaab oo isu sharaxay Madaxweyne Dowlad Goboleed

Baydhabo (Madal Furan) – Hogaamiye horey uga tirsanaa kooxda Al-Shabab ayaa shaaca ka qaaday in uu u tartamayo xafiis dowladeed.

Mukhtaar Roobow oo Abu Mansuur loo yaqaano ayaa ka baxay kooxda Al–Shabab 2012,balse waxaa uu dowladda Soomaaliya isu soo dhiibay bishii August ee sanaddii aanu so dhaafnay.

Mukhtaar Roobow ayaa shaaciyay in uu u tartami doono madaxwaynanimada dowlad goboleedka Koonfurta Galbeed.

Roobow ayaa sheegay in go’aankiisa ah in uu u tartamo xilka madaxwaynanimada uu qaatay ka dib codsi uga yimid dadka Koonfur Galbeed.

Waxa uu ballanqaaday in haddii uu doorashada ku guulaysto uu xiriir wanaagsan la yeelan doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Mukhtar Robow ayaa ahaa hogaamiyihii ugu sareeyay ee Al-Shabab ka soo goosta ,iyada oo ay jirto in uu ka mid ahaa dadkii asaasay kooxdaasi.

Bishii June ee sanadkii aanu soo dhaafnay ayay Mareykanka ka saareen liiska argagixisada, waxaan horey madaxiisa loo dul dhigay 5 milyan oo doolar.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *