Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Saadiq Eenow oo banaanka keenay sirta C/weli Maxamed Cali Gaas ee doorashada Punltland

Saadiq Eenow oo banaanka keenay sirta C/weli Maxamed Cali Gaas ee doorashada Punltland

Garoowe (Madal Furan) – Dr. Saadiq Eenow, oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland oo shalay dib ugu soo laabtay magaaladda Garoowe ayaa sheegay in Madaxweynaha xilkiisa sii dhamaanayo ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu qorsheynayo sidii uu u ridi lahaa dagaal ka dhex bilowda Puntland iyo Somaliland si dib-u-dhac uu ugu yimaado doorashada 2019 ee la filayo inay Puntland ka dhacdo.

“Intii yareed ee aan joogay waxaan maqlayey dagaal ayaan dhacaya, dagaal dhici maayo oo doorashada wey dhici doontaa,” ayuu yiri Dr. Saadiw Eenow.

Dr. Saadiq Eenow ayaa horay wuxuu uga tirsanaa xukuumada C/weli Maxamed Cali Gaas oo uu ka soo noqday Wasiirka Caafimaadka, waxaana mar danbe xilkaas ka qaaday Dr. Gaas, wuxuuna shalay ku dhawaawqay inuu yahay musharax u taagan loolanka xilka Madaxweyne ee 2019.

Haddalka ka soo yeeray Dr. Eenow ayaa wakhtiyo badan waxay ku soo dhacayeen dhegaha shacabka Puntland, balse, dadka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in Dr. Gaas uu soo lumiyey wakhtigii uu dagaalka la geli lahaa Somaliland isla markaasna ay ciidamada iyo shacabkii isu abaabulay xoreynta gobolka Sool uu habac geliyey, si uu dagaalkaas u qaado wakhtiga uu isagu u arko inay faa’iido ugu jirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.