Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Aqalka Sare oo dadaalkooda ay Madaxda Goboladu u arkeen siyaasad dibaddeed oo dalka ku soo duushay.

Aqalka Sare oo dadaalkooda ay Madaxda Goboladu u arkeen siyaasad dibaddeed oo dalka ku soo duushay.

Dhuusamareeb (Madal Furan)  Maamulka Galmudug ee koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegay inay faragelin kaga imaaneysa Madaxda DFS, waxaana sir jaraa’id oo habeenimadii xalay uu magaaladda Dhuusa-mareeb ku qabtay Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan (Masagawaa) uu ku sheegay inay weli socoto faragalinta ay Dowladda Federaalku ku hayso arrimaha siyaasaadda ee maamul Goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa wuxuu dhaleeceyn bada’an dusha uga tuuray xubnaha Aqalka Sare ee isu xilqaamay inay xal u raadiyaan mushkiladda ka dhex aloosan maamulka Galmudug, wuxuuna ku tilmaamay kuwo ay adeegsanayaan Madaxda Dowladda Federaalka balse ay horay u gabeen hawlihii masiiriga ahaa ee iyaga loo igmaday.

Wuxuu kaloo ku eedeeyey in Aqalka Sare uu ku dhex milan yahay Xukuumadda DFS, isla markaasna ay noqdeen ul lagu garaaco Maamul Goboleedyadda Soomaaliya ka jira.

“Weli waxaa socota faragelinta madaxda dowladda federaalka ay ku hayaan arrimo hoosaadka dowlad goboleedkadka Galmudug, taas oo hada qaadatay waji cusub, iyaga oo adeegsanaya Senatarada aqalka sare ee Soomaaliya, waxaa cad in aqalka sare ay ka gaabiyeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, iyada oo ay hada cadahay inay ku milmeen faragelinta dowladda ay ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug”. Ayuu yiri Wasiir Masagawaa.

Warsaxaafadeedka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xili ay Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadu ay soo saareen qoraal ay ku mideysan yihiin oo ay kaga cabanayaan wax ay ugu yeereen faragelin ay Aqal Sare ku hayaan arrimaha siyaasadeed ee Maamulka Galmudug.

Dadaalka Aqalka Sare ay ugu jireen inay ku dhexdhexaadiyaan Dowladda Federaalka iyo Maamuladda Goboladda ayaa dadka badankiis waxay u arkayeen inuu ahaa mid xiligii loo baahnaa yimid, waxaase muuqata inay cirib danbeedka la dhaceen madaxda Maamulada Gobolada oo arrintaba u arkay dolwad shisheeye oo fargelin ku haysa qaranimada Soomaaliya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *