Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Duqeymo ciidamada DFS ay ka geysteen deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo ururka Al-shabaab ay isku urursanayeen.

Duqeymo ciidamada DFS ay ka geysteen deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe oo ururka Al-shabaab ay isku urursanayeen.

Muqdisho (Madal Furan) –  Hadal ay soo saareen ciidamada DFS ayaa lagu sheegay inay duqeymo ka geysteen deegaan ka tirsan Shabeelalada Dhexe oo ay ku xoog weynaayeen dagaalyahanada ururka Al-shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay dhacday Saqdii dhexe ee xalay abaara 12:00 habeenimo, iyadoo la sheegayo in ciidamadu ay duqeyntaas u adeegsadeen hubka culus sida qoriga PM loo yaqaan iwm.

Waxaa jira wara kale oo sheegaya in ay duqeytaas ka qayb qaateen  diyaarado dagaal oo aan la ogeyn dowladda iska leh, balse dadka deegaanka ay duqeyntu ka dhacaday ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen qaraxyo waaweyn oo is xigay.

Goobta duqeyntu ka dhacaday ayaa lagu tilmaamay meel aan ka fogeyn deegaanka Basra oo dowladdu rumeysneyd inay isku urursanayeen dagaalyahanada ururka Al-shabaab.

Si dhab ah looma garan karo khasaaraha duqeymuhu u geysteen dagaalamayaasha ururka Al-shabaab, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen ciidamada dowladda ee duqeynta geystay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *