Monday, January 17, 2022
Hoy > Warka > Wasiir sheegay in cabsida cudurka Aboola iyo nabadgelyo xumo ay hoos u dhigtay dalxiiska Afrika looga baqayo

Wasiir sheegay in cabsida cudurka Aboola iyo nabadgelyo xumo ay hoos u dhigtay dalxiiska Afrika looga baqayo

Mombasa (Madal Furan) – Kulan looga hadlayo arrimaha dalxiiska Kenya iyo guud ahaan qaarada Afrika oo ay kasoo qeyb galeen madax iyo hay’ado caalami ah ayaa wuxuu ka socdaa Magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Najib Balala oo ah wasiirka daxliiska dalxiiska dalka Kenya ayaa sheegay in 54-da dalka ee qaarada Afrika ay la daalaca dhacayaan dhibaatooyinka dhanka dalxiiska sida in qaar kamid ah dalalkani laga haysto sawir aanay u qalmin.

Wasiirka ayaa sheegay in afirka laga aamisan yahay qaarad ay ku badan yihiin xanuuno sida Ebola iyo rabshado taaso uu sheegay inay mararka qaar hoos u dhigto dalxiisayasha imaan lahaa.

Wasiirka oo hogaaminayay kulanka ayaa dhinaca kale ka hadlay sida lagama marman ay u tahay in la iska kaashado sidii sawirkaas qaldan loo badali lahaa.

Waxuu qiray inay jiraan dhibaatooyin dhanka amniga oo jira balse waxuu carabka ku adkeeyay in dowlada Kenya ay wado dadaal ay ku adkeyneyso amniga si meel nabadgalyo ah ay ugu damaashadan dalxiisayaasha.

Dalxiiska Kenya oo la sheegay in sanadkii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay sababo la xariira doorashoyinkii rabshadaha watay ayaa waxaa ka mid tahay d ilaha dhaqaala ee dalka Kenya iyadoo afrika ay yimaaden 68 milyan.

Waxaa sanadkii lasoo dhaafay sidoo kale jiray wadamo u digay muwaadinintooda inay dalka yimaaden sababo la xariira isku dhacyo iyo weeraro laga cabsi qabay awgeed.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *