Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Raysal Wasaare Kheyre oo fariin adag u diray dadka ka daba taga kuwa musuqa lagu xiro

Raysal Wasaare Kheyre oo fariin adag u diray dadka ka daba taga kuwa musuqa lagu xiro

Muqdisho (Madal Furan) – Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa wuxuu amar ku bixiyey in Hay’adaha ay gacanta ku soo dhigaan qofkii ay arkaan isagoo wax musuqmaasuqaya, Maxkamadana la geeyo.

Raysal Wasaaraha ayaa hadalkan wuxuu ka jeediyey barnaamij loogu magac daray daah-furnaanta maaliyadeed ee dalka, wuxuu kaloo intaas ku daray in aan la yeeleyn qof musuqmaasuq loo soo xiiray in ciddi ka daba timaado.

Wuxuu kaloo ka yiri Mudane Kheyre “Waxaan joognaa in adduunyadu yiraahdeen inta aad soo qabateen waan ku qanacsanahay, 140 Milyan ayuu idin siiyey Bangiga Adduunka”

Wuxuu kaloo farta ku tilmaamay inay jiraan dad soomaaliyeed oo haraad u qaba in sharaft Soomaalidu ay ka nusqaanaato dalalka dunidda, wuxuuna yiri “Haddii dowladnimadu ay naga tahay waa in aan qabiil hebel difaacnaa, waa in aan qolo difaacnaa, waa in aan dantayda gaarka ah aan ilaashadaa ama qabiilkayga ama saaxiibadey xoolo ay heleen oo khalad ahaa in aan ku difaaco dowladnimada, waa dariiqii ummadda Soomaaliyeed jahwareerka ku riday geliyeyna jahadii lunsaneyd”

Leave a Reply

Your email address will not be published.