Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Oromo caawa lagu laayey magaaladda Boosaaso

Oromo caawa lagu laayey magaaladda Boosaaso

Boosaaso (Madal Furan) – Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa goor dhoweyd caawa waxay Saddex qof oo  ka soo jeedaan qawmiyadaha dalka Itoobiya toogasho ku dileen, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Laba qof oo kalen.

Dadka dhintay ayaa warar horudhac ahi sheegayaan in ka soo jeedaan Qowmiyada Oromada ee ku nool magaalada Boosaaso.

Si dhab ah looma oga cidda falkan geysatay, waxaana goobjoogayaal Madal Furan u sheegeen inay baxsadeen dadkii dilka geystay.

Dhaliyaro fara badan oo Qowmiyadaha dalka Itoobiya ka soo jeeda oo ay ka mid yihiin Oromada, Tigreega iyo Amxaarada ayaa bilihii la soo dhaafay waxay ku soo qulqulayeen magaaladda Boosaaso, waxayna ku nool yihiin deegaamada u dekedda Boosaaso.

Dadkan ayaa magaaladda gudaheeda waxay ugu noolaayeen si xornimo ah, iyadoo ayan saameynin colaadii qowmiyadaha Oromada iyo Soomaaliya ee waddanka Itoobiya ku dhex martay.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay cabashooyin ay dadkaasi ka muujiyeen amaankooda waxaana ka hadlay Laamaha amaanka Gobolka Bari, balse ma jirin ciidamo si dhab ah u sugay amaankooda, lamana sheegi karo halka ay ka timid amaan darrada ay dadka qowmiyadaha Itoobiya dareemeen.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *