Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Muqdisho oo lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Talyaani ahi ay la socdeen.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxii Muqdisho oo lala beegsaday Kolonyo Ciidamo Talyaani ahi ay la socdeen.

Muqdisho (Madal Furan) – Qarax xoogan oo maanta duhurnimadii lagu weeraray ciidamo kolonyo ah oo maray meel u dhow Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahin.

Qaraxan ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa mid ismiidaamin ah kaasoo lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ka ku jireen kuwa dowladda Talyaaniga ka soo jeeda kolanyadaas oo la sheegay inay ka soo baxeen Wasaaradda Gaashaandhiga oo ku taal degmada Dayniile.

Ciidamada Talyaaniga ayaa la sheegayaa inay saarnaayeen gaadiid qafilan, waxaana lala beegsaday gaari qarax laga soo buuxiyey oo uu waday naftii hure la rumeysan yahay inuu ururka Al-shabaab ka tirsanaa.

Ilaa iminka si dhab ah looma garan karo khasaaraha dhabta ah eek a dhashay qaraxaas iyo in dhibaato ka soo gaartay ciidamadii Talyaaniga ahaa, waxaa goobta qaraxu ka dhacay lagu arkay burbur xoog leh oo soo gaaray gaadiidkii kolonyada ahaa..

Waxaa la soo sheegayaa in dad shacab ahi ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka ismiidaaminta, iyadoo tilmaamtay inay beegsadeen Ciidamo Midowga Yurub ah.

Ciidamada Talyaaniga ayaa hoggaaminaya howlgalka Midowga Yurub ee Ciidamada Soomaaliya, waxaana ay saldhig ku leeyihiin Xarunta Xalane.

Kolonyada Ciidamada Talyaaniga oo ah kuwo qafilan ayaa lagu arkaa gudaha magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka babanayo Calanka Talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *