Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Xisbi leh miisaan culus oo uu hogaaminayo Xasan Sheekh oo looga dhawaaqay Muqdisho.

Xisbi leh miisaan culus oo uu hogaaminayo Xasan Sheekh oo looga dhawaaqay Muqdisho.

Muqdisho (Madal Furan) – Xisbi lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD) oo hormuud ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta looga dhawaaqay magaaladda Muqdisho.

Xisbiyada Daljir, Kutlada Horusocod, UDP iyo Siyaasiyiin kale ayaa la rumeysan yahay inay ku midoobeen Xisbigan cusub,  Astaanta  uu Xisbiga cusubi yeelanayo ayaa si rasmi ah loo soo bandhigay, waxaana maalinimada Khamiista la filayaa in la qaban doonaa shirweyne lagu ansixin doono Xeerka uu xisbigaasi yeelan doono.

Xubnaha uXisbigan cusub ee UPD ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo siyaasadda magac ku leh intooda badanina ay ka tirsan yihiin Aqal Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirweyne ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Xisbiga Daljir ayaa waxay ku shaaciyeen inay si rasmi ah ugu biirayaan midow Xisbiyo Qaran oo hal xisbi isku noqonaya, iyadoo dhaqan galkiisa uu bilaabayo maanta oo 30-ka bisha September ah.

Sxisbigan UPD oo ah xisbi ay ku midoobeen kooxaha mucaaradka ah ayaa la saadaalinayaa inuu noqon doono xisbiga ugu weyn ee ay yeelan doonaan mucaaradka ugu miisaanka culus, Xubno ka tirsan Xisbiga Daljir oo shalay ku shiray magaaladda Muqdisho ayaa isku raacay inay si buuxda ula midoobaan xisbiga cusub PDP.

Leave a Reply

Your email address will not be published.