Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > G/haweenka G/ Banaadir oo shir ka sheegtay inay jiraan guryo gabdho la afduubtay jirkooda lagu ganacsado

G/haweenka G/ Banaadir oo shir ka sheegtay inay jiraan guryo gabdho la afduubtay jirkooda lagu ganacsado

Muqdisho (Madal Furan) – Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa sheegtay in magaaladda Muqdisho ay ku yaalaan guryo lagu  haysto gabdho horay loo afduubay.

Marwadu waxay kaloo intaas ku dartay in gabdhahaas dadka afduubtay ay jirkooda ka ganacsadaan.

“Gabdho wadamada dibadda laga keenoayaa loogu tagaa goobahooda waxbarashada kadibna waxaa la geeyaa xaafado si jirkooda looga ganacsado.”ayay tiri Marwo Jawaahir.
Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir ayaa intaasi raacisay inay ka warhayaan labo gabdhood oo ka yimid magaalada London la la’ yahay.

Guddoomisadu waxay kaloo carabka ku dhifatay inay jiraan hablo lala tago xeebta liido iyadoo aan waalidkii dhalay waxba kala socon xaaladooda, kuwaasoo lagula kaco arrimo anshax xumo ah.

Marwo Jawaahir ayaa ciidamada Booliska waxay ku dhiiri gelisay inay talaabo ka qaadaan xaaladan ugubka ah ee magaaladda Muqdisho ku soo korortay.

Ma jiraan caddeymo rasmi ah oo Gudoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir ay soo bandhigtay oo la xiriira arrinta xaasaasiga ah ee ay ka hadashay.

Madal Furna.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *