Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Madaxweynaha Jubbaland oo DFS ku eedeeyey inay Al-shabaab sii xoogeystay mudooyinkii u danbeeyey

Madaxweynaha Jubbaland oo DFS ku eedeeyey inay Al-shabaab sii xoogeystay mudooyinkii u danbeeyey

Madaxweynaha Jubbaland oo eedeyn u jeediyay dowladda dhexe

Kismaayo (Madal Furan) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si weyn ugu eedeehyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in ururka Al-Shabaab ay fursad u siiyeen awood dheeri ah in ka sameystaan awood dhinacyada hubka iyo saanadda ciidamadda oo intooda badan ay ka helaan DFS.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in Al-Shabaab lagu qaado dagaal mideysan oo dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ah.

Waxa uu xusay in Al-Shabaab ay si dhaqso ah ku helaan hubka iyo Saanada dowladda loogu deeqo sidaasi darteedna aysan macquul ahayn in Al-Shabaab laga guuleysto.

Waxa uu ugu baaqay Saraakiisha Amisom iney ka shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in Al-Shabaab uu la dagaalamo kana saaro guud ahaan degaanada ay Jubbaland kaga sugan yihiin.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *