Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Hayadda NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen khabiir ka tirsan ururka Al-shabaab

Hayadda NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigeen khabiir ka tirsan ururka Al-shabaab

Muqdisho-(Madal Furan) – Hay’adda nabad sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa boggeeda ay Twetter-ka ku leedahay ku soo dhigtay inay gacanta ku soo dhigeen Khabiir ka tirsan ururka Al-shabaab.

Warku wuxuu intaas ku daray in Khabiirkaasi uu ururka Al-shabaab u qaabilsanaa dhinaca Miinooyinka iyo Qaraxyada, waxaana laga soo qabtay goob u dhow Kontaroolkii hore ee  magaalada Afgooye.

Ciidamadda NISA ayaa  Shacabka ka codsatay inay si taxaddar leh ula shaqeeyaan, si looga hor tago wax ay ugu yeereen cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horeysay ee ciidamadda NISA sheegaan inay gacanta ku dhigeen shakhsiyaad muhiim u ah ururka Al-shabaab, balse arrintaasi marnaba hoos uma dhigto qaraxyada iyo dilalka loo geysto dadka ku nool magaaladda Muqdisho

madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *