Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > DEG DEG:-Xabsiga Magaaladda Boosaaso oo dagaal culus uu ka dhacay

DEG DEG:-Xabsiga Magaaladda Boosaaso oo dagaal culus uu ka dhacay

Boosaaso – Galabnimadii maanta waxaa xabsiga Boosaaso laga maqlayey rasaas aad u xoog weyn kadib markii ciidamo ka tirsan Puntland ay weerar ku qaadeen ciidamada ilaalada xabsiga Boosaaso oo la sheegay in xoog ku qabsadeen xabsiga iyo maxaabiistii ku jirtay.

Wararka laga helayo magaaladda Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadda Ilaalada xabsigu ay ka gadoodeen duruufo la xiriira mushahar la’aan.

Ilaa iminka si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarkaas, waxaase dadka ka agdhow xabsiga weyn ee Boosaaso ay sheegayaan in ayjoogsataay hubkii cuslaa ee ay isku ridayeen Labada dhinac.

Xarunta Xabsiga magaaladda Boosaaso ayaa ah mid aad u adag in ay gudaha u galaan ciidamo kale oo ka soo weerara dibadda, sidaas awgeedna aysan ciidamadii weerarka qaaday u suurta gelin inay xabsiga gacanta ku dhigaan.

Kumanaan maxaabiis ah ayaa ku xirxiran xabsiga magaaladda Boosaaso, kuwaasoo u xiran denbiyo kala duwan, lamana xaqiijin karo in dhibaato ka soo gaartay dagaalkaas.

Labadii maalmood ee u danbeeyey waxaa magaaladda Boosaaso ka socday hawlgalo ay ciidamada amnigu baaritaano uga wadeen xaafadaha iyo suuqa weyn ee Boosaaso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *