Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Xarumaha caafimaad ee kowntiyada Lamu, Tana River iyo Garissa oo looga digay in ay daryeel cafimaad siyaan shaqsiyaad qaba dhawacyo Rasas.

Xarumaha caafimaad ee kowntiyada Lamu, Tana River iyo Garissa oo looga digay in ay daryeel cafimaad siyaan shaqsiyaad qaba dhawacyo Rasas.

Nayroobi (Madal Furan) – Ciidanka difaaca Kenya ee howgallada kawada degmada Taksile ee katirsan degaanka Pandaguo ee kowntiga Lamu ayaa digiin u direen isbitalada ku yala xeebta dalka in ay daryeel caafimaad siyaan shaqsiyaad qaba dhawacyo rasaas qaba.

Agaasimaha howlgalka loogu magacdaray Linda Boni Joseph Kanyiri  oo la hadlay Joornaalka Nation ayaa ka dalbaday xarumaha cafimaad ee ku yaala kowntiyada Lamu, Tana Riveriva iyo Garissa hadii ay arkaan shaqsiyaad dhawacyo rasas qaba oo doonaya in la daaweyo ay boliiska ku wargalyaan.

Maalintii Isnintii ayey ciidanka Kenya ee howgalada kawada Keynta boni waxaa ay sheegteen inay 10  ka tirsanaa Al-shabaab ay ku dileen deeganka pandaguo.

Howgalkaasi ay ciidanka fuliyeen ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay qaar kamid ah rag ka tirsana al-shabaab ay baxsadeen iyaga oo dhaawacyo qaba.

Agaasimaha howlgalka Linda Boni Joseph Kanyiri ayaa shacabka xeebta waxaa uu ka codsaday in ay ka cawiyaan ciidanka difaca hadii ay hayaan warbxino ku saabsan koxaha ku dumaleysanaya keynta boni.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *