Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu dilay magaaladda Muqdisho iyadoo aan qoraxdu soo bixin

Wiil dhalinyaro ah oo saaka lagu dilay magaaladda Muqdisho iyadoo aan qoraxdu soo bixin

Muqdisho (Madal Furan) – Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa lagu soo waramayaa in saaka 6dii Subaxnimo ay wiil dhalinyaro ah ku dileen xaafada Wardhiigley (Warta Nabada) ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Masjidka Cabdalla iyo Cawareer.

Laban in oo Bastoolado ku hubeysan ayaa ay soo sheegeen dadkii arkayey inay dileen wiilka dhalinyarada ah isla markaasna ay ka baxsadeen goobta ay falka ka geysteen.

Waxaa goobta gaaray mar danbe ciidamada amniga balse kuma aysan soo guuleysan in gacanta ku soo dhigaan dableydii falka dilka ah geystay.

Waxaa aad ugu soo kordhaya magaaladda Muqdisho dhowrkii bilood ee la soo dhaafay dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah gaar ahaan dhalinyarada iyo caruurta.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *