Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Qaybo ka mid ah Jidadka Muqdisho oo lagu soo waabariistay iyagoo xiran.

Qaybo ka mid ah Jidadka Muqdisho oo lagu soo waabariistay iyagoo xiran.

Muqdisho (Madal Furan) – Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho ay saaka xiran yihiin.

Wadooyinka ay maanta xireen ciidamada dowladda qaar ka mid ah ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Taleex, KM4, Soobe iyo Banaadir, lamana oga sababta ka danbeysay in dib loo xiro qaar k aka mid ah jidadka magaaladda Muqdisho oo dhowaan Madaxweyne Farmaajo amar ku biiyey in la furo dhamaan jidadka xiran ee magaaladaas.

Gaadiidka dadweynaha ayaa cabasho ka muujinaya xirnaashaha saaka lagu arkay wadooyinka magaalada qaarkood, iyadoo dadweynhu ay dhibaato kala kulmayaan shaqooyinkooda maalinlaha ah ee ay u mari jireen jidadka xiran.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya inay arkayaan wadooyinka oo ay marayaan gaadiidka ciidamada dowladda oo keliya iyadoo loo loo diidayo  dhamaan gaadiidka shacabku inay gudbaan wadooyinka xiran.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *