Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Madaxtooyada Puntland oo qoraal raalin ah ka bixisay hadalkii C/weli Maxamed Cali Gaas uu ka yiri magaaladda Badhan

Madaxtooyada Puntland oo qoraal raalin ah ka bixisay hadalkii C/weli Maxamed Cali Gaas uu ka yiri magaaladda Badhan

Boosaaso (Madal Furan) – War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa ay raali gelin ka bixiyeen hadalkii uu C/weli Maxamed Cali Gaas ka yiri magaaladda Badhan xili uu halkaas booqasho ku joogay toddobaadkan.

Hadalka Madaaxweynaha Puntland uu ka jeediyey magaaladda Badhan ayaa waxaa dhagiisday dhegaha dadka Soomaaliyeed ee ku nool goboladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxaana hadaladii C/weli Maxamed Cali Gaas ka mid ahaa “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Baraha Bulshadda ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay si weyn loo gorfeynayey erayada ka soo baxay afka Madaxweynaha Pauntland taasoo dadka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay u arkeen mid aysan ka istaahilin shacabka iyo maamulka Puntland.

Hadalkan Dr. Gaas ayaa wuxuu abuuray in shacabka iyo waxgaradka Maamulka Koonfur Galbeed ay ugaga xumaadeen hadaladii Dr. Gaas oo ay u arkeen mid uu ugu gafay shakhsiyadooda.

Halkan ka akhriso Warka Madaxtooyada Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.