Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Nin xaaskiisa ku dilay magaalada Garoowe

Nin xaaskiisa ku dilay magaalada Garoowe

Garoowe (Madal Furan) – Magaaladda Garoowe ayaa wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in nin uu xaaskiisa ku dilay, kadib markii uu Toorey nafta kaga qaaday.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in marxuumada lagu magacaabi jiray Khadra Maxamed Cali ay u dhaxday ninka gacantiisa ku dilay, iyadoo goobta dilku ka dhacay la sheegay inay aheyd xaafadda Hanti Wadaag ee magaaladda Garoowe.

Ciidamada Booliska ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay mana jiro war xaqiijinaya in ganac ku dhiiglihii dilka geystay la soo qabtay iyo in kale.

Deegaano ka tirsan Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka ka dhex dhaca qoysaska iyo qaraabada ehelka wada ah.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *