Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Ururka Al-shabaab iyo dowladda Kenya oo isku haysta guul iyo guul darrada dagaalkii Takhsiile

Ururka Al-shabaab iyo dowladda Kenya oo isku haysta guul iyo guul darrada dagaalkii Takhsiile

Madal Furan – Warbaahinta taageerta ururka Al-shabaab ayaa sheegaya in dagaalyahanadoodu ay guud ahaanba cagta mariyeen xero ciidan oo ku taalla gobolka Lamu ee dhaca xeebaha Kenya, islamarkaana dilay ciidamo fara badan oo ka tirsan military-ga Kenya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalyahanadooda ay weerar ballaaran ku qaadeen xero ciidan oo ku taalla deegaanka lagu magacaabo Takhsiile oo ka tirsan gobolka Lamu.

Afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in dagaalyahanadooda ay cagta mariyeen xerada ciidamada Kenya ee deegaanka Takhsiile, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 10 askari, halka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen maxaabiis dagaal.

Wuxuu kaloo intaas ku daray in ciidamada Kenya ay badankood isaga kala firxadeen xerada, balse ay nolosha ku qabteen saddex askari oo dhaawac ah kuwaas oo looga kala cararay xerada, isla markaasna ay si buuxda ula wareegeen xerada

Idaacada Andalus ayaa laga wariyey in khasaaraha ka soo gaaray ururka Al-shabaab weerarkaas uu ku kooban yahay dhaawac soo gaaray Saddex dagaalyahan oo keliya.

Af-hayeen u hadlay Ciidamada dowladda Kenya ayaa  shalay sheegtay in dagaalkan ay ciidamadoodu guul ka gaareen isla markaasna ay dileen tiro ka badan dagaalyahanada ururka Al-shabaab, balse ilaa iminka ma jirto cid si dhab au caddeyn karta guulaha ay kala sheeganayaan dowlada Kenya iyo ururka Al-shabaab eek u wajahan dagaalka deegaanka  Takhsiile ee gudaha dalka Kenya.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.