Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Deg Deg – Ganacsade caan ah oo magaaladda Boosaaso lagu dhaawacay

Deg Deg – Ganacsade caan ah oo magaaladda Boosaaso lagu dhaawacay

Boosaaso (Madal Furan) Wararka ka imaanaya magaaladda Boosaaso ayaa sheegaya in fiidnimadii caawa magaaladda Boosaaso lagu dhaawacay ganacssade caan ka ahaa deeqgaamada Puntland oo lagu magacaabo  Gurey dharaar.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Ganacsade Gurey ay dhaawaceen ciidamo ku sugnaa bar kontrool, lamana yaqaan sababta dhalisay in ciidamadaasi ay rasaas ku furaan gaari uu xiligaas watay oo ku soo beegmay barta Kontoroolka.

Isbitaal ku yaal magaaladda Boosaaso ayaa lagu soo waramayaa in Ganacsadaha lagu dabiibayo, iyadoo xaaladiisa caafimaadna la soo sheegayo inay wanaagsan tahay.

Maanta ayay aheyd markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay rasaas ku toogteen nin ka tirsanaa ciidamada amaanka isla markaasna ay dhaawaceen Laba ruux oo kale oo midi ay haween aheyd.

Dhinaca kale, magaaladda Boosaaso waxaa caawa ay ciidamada amaanku ka bilaabeen hawlgal ay ku qabqabnayaan dadka ay ka shakisan yihiin, kuwaasoo la geynayo saldhigyada Booliska ee magaaladda Boosaaso, halkaasoo lagu kala saari doono kadib baaritaano lagu sameyn doono.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.