Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Ruushka oo Israa’iil kaga aarsaday inuu dalka Suuriya u hibeeyo gantaalaha difaaca cirka ee S 300

Ruushka oo Israa’iil kaga aarsaday inuu dalka Suuriya u hibeeyo gantaalaha difaaca cirka ee S 300

Madal Furan – Wasiirka Difaaca Ruushka ayaa maanta wuxuu iclaamiyey in dalkiisu mudo Laba toddobaad gudihiisa uu ku siin doono dalka Suuriya Gantaalaha casriga ah ee  horumarsan oo noocoodo yahay S-300.

Go’aankan ay dowladda Ruushku qaadatay ayaa wuxuu ka danbeeyey kadib markii Toddobaad ka dib ay markii diyaarad uu Milateri oo Ruushku uu lahaa lagu soo riday biyaha badda Melitereeniyaanka, taasoo ay si khaldan ugu dhaceen gantaalaha difaaca Suuriya xili ay tooganayeen diyaarado dagaal oo ay Israa’iil leedahay, kuwaasoo duulaan ku soo ahaa dalka Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa si toos ah ugu bidhaamiyey Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad hanaanka uu ku gudoonsiin doono gantaalaha S-300.

Talaabadan ayaa noqoneysa mid dowladda Ruushku ay ku horumarin doonaan hanaanka difaaca  circa ee dowladda Suuriya.

Wasiirka difaaca ee Ruushka oo khudbad ka jeediyey Telefishinka laga leeyahay dalkiisa ayaa sheegay in Madaxweyne Putin uu amar ku bixiyey in la xoojiyo xaalada difaaca ee difaaca ee Suuriya si loo ilaaliyo amaanka ciidamadda Ruushka ee dalkaas ku sugan.

Wuxuu kaloo amray Madaxeyne Putin Milateriga Ruushka inay hawada sare ee mareenada badda Menitraniya ay ku furan Tashuush Electromagnetic ah oo ay ku joojinayaan in haba yaraatee wax weerar ah Suuriya looga soo qaado jihadaas.

Tashuushakan ayaa ka mamnuucaya Raadaarada iyo aalada Dayax Gacmeedyadu xogo dheeraad ah siiyaan diyaaradaha weerarada soo haya, waana marinka ay Israa’iil horay u caadeysatay inay u soo marto duqaymaha ay ka geysan jirtay gudaha Suuriya, taasoo hadda kadib aad u adkaan doonta.

Qorshan cusub ee gantaalaha S-300 loogu rakibayo xeryaha ciidamada Suuriya ayaa lagu xiri doonaa qalab si toos ah loogala socon doono shaqadooda xeryaha ciidamada Ruushka eek u yaal dalka Suuriya.

Tallabadan ayaa u muuqata inay tahay mid lagu damaanad qaadayo amaanka saldhigyada difaacacirka  ee Suuriya sidoo kalena ay iyagu qudhoodu kala socon doonaan dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ddagaalka ee Ruushku leeyahay ee maaxaya hawada dalka Suuriya.

Gantaalaha difaaca ee M-300 waxaa u suuragal ah inay hadafka ay doonayaan kaga hortagaan ugu tagaan masaaafo dhan 250 Km, waana qiyaas u saamaxeysa inay si joogto ah ugaga hortagaan duulaamada diyaaradaha Israa’iil ku soo qaadaan gudaha dalka Suuriya.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *