Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Gaas oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha G/Nugaal iyo Taliyayaal Ciidan

Gaas oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyaha G/Nugaal iyo Taliyayaal Ciidan

Garoowe (Madal Furan) – Madaxweynaha Dowladda Puntalnd Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanata oo taariikhdu atahay 24 Sep 2018 waxaa uu magacaabay Taliyaha Xasilinta Gobolka Nugaal Xilkiina ka qaaday Taliyaha Qaybta Gobolka Nugaal.

Wuxuu kaloo maanta shaqadii ka eryey Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cumar C/llaahi Maxamed (Faraweyne), waxaana Guddoomiyaha cusub ee Gobolka uu u magacaabay C/salaan Xasan Xirsi (Gu-jir) waxaana go’aankani la rumeysan yahay inuu ka dhashay kadib markii magaaladda Garoowe ay ka jirto xaalad amni xumo oo sababtay in dadweynuhu wax badan isaga weydiiyeen sababta wax looga qaban waayey.

Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in la magacaabay Madaxa Ladagaalanka Arga-gixisada iyo mukhaadaraadka Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse oo loo magacaabay Taliyaha xasilinta Gobolka Nugaal waxaana sidoo kale laga qaaday xilkii taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Galangooli waxaana xilkaas  si ku meel gaara ah usii haynaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmaed Muuse,

Lama oga in Talaabada uu qaaday Madaxweyne Gaas ay wax ka bedeli doonto nabadgelyada xumada ka jirta magaaladda Garoowe.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *