Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Nin iyo qof dumar ah oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildh. G/shacabka maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay degmada Afgooye

Nin iyo qof dumar ah oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildh. G/shacabka maamulka Koonfur Galbeed oo lagu dilay degmada Afgooye

Afgooye (Madal Furan) Laba qof oo ka mid ah ergadii soo xushay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kooxo bastoolado ku hubeysani ay ku dileen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Kooxaha hubeysan ayaa  Labada qof ee ay dileen mid ka mid ahi ay aheyd haweeney ka mid aheyd dadkii soo xulay xubnaha Xildhibaanada  ee magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxdii dilka geysatay ayaa lagu soo warmayaa inay baxsadeen, waxaana socdo baaritaano ay ciidamadda amaanku sheegeen inay sameyn doonaan, mana jirto cid ay ilaa iminka u soo qabten.

Deegaamada Soomaaliya ayaa u muuqda kuwo ay ku sii fidiyaan dilalka lala beegsanayo dadkii wax ka soo xulay Xubnaha Baarlamaanada ee DFS iyo kuwa maamulada Gobolada.

Madal Furan.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *