Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > (Akhriso) – Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo Shaqadii joojin ku sameeyay

(Akhriso) – Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo Shaqadii joojin ku sameeyay

Muqdisho (Madal Furan) – Wareegto ka soo baxday Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa shaqadii looga joojiyey Xoghayihii Joogtada Wasaaradda Jamaal Qaasim Mursal, waxaana lagu eedeeyey xadgudub dhinaca maamulka shaqada ah inuu ku talaabsaday.

Xoghayaha ayaa waxaa cabashooyin is dabadajoog ah ka gudbiyey shaqaalaha Wasaaradda, waxaana Wareegtada Wasiirka uu xilka kaga joojiyey qoray mudo Laba maalmood ka hor ah oo ku beegneyd 22 September

Xoghayaha Joogtada ee shaqada laga joojiyay ayaa loo soo jeediyay eedeymo la xiriira ku xadgudubka hanaanka shaqo iyo hab maamulka wasaaradda, wada shaqeyn la’aan iyo inuu bixinta siraha muhiimka ee wasaaradda  loo gudbiyo dhinacyo ka baxsan Wasaaradda.

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo shaqo joojinta Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda loo gudbiyey, waxaana la filayaa inay Wasaaraddu ka qaadi doonto talaabo ku haboon.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *