Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Madaxii Hoggaanka Caafimaadka ee Hey’adda NISA oo xabsiga loo taxaabay

Madaxii Hoggaanka Caafimaadka ee Hey’adda NISA oo xabsiga loo taxaabay

Muqdisho (Madal Furan) – Taliyaha Hoggaanka caafimaadka ee hay’adda NISA Dr Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay xalay fiidnimadii xabsiga u taxaabeen.

Xariga Dr. Xasan Axmed Maxamed Gacal ayaa wuxuu ku soo beegmay xili shalay gaari uu lahaa uu ku qarxay gurigiisa hortiisa, balse uu qaraxaas ka badbaaday.

Waxaana qaraxaas ka dib dhacay qarax kale oo ka dhacay isgoyska Dabka ee magaaladda Muqdisho kaasoo gaari loogu xiray Dr.  Yaxye Caamir.

Lama oga ilaa iminka halka lagu xiray Taliyaha iyo sababta loo xiray, waxayna Saxaafadda u sheegeen ehelada Taliyuhu in loo diiday inay booqdaan, ayna si weyn uga welwelsan yihiin xaaladiisa nololeed.

Mana jirto ilaa iminka wax hadal ah oo ay Laamaha amaanku ka soo saareen xariga masuulkaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *