Friday, January 21, 2022
Hoy > Warka > Wasiir ka tirsan Puntland is casilay eedeyn kululna u soo jeediyey Madaxweyne Gaas

Wasiir ka tirsan Puntland is casilay eedeyn kululna u soo jeediyey Madaxweyne Gaas

Garoowe (Madal Furan – Wararka ka imaanaya maamulka Puntland ayaa sheegaya in uu is casilay Wasiirkii Deegaanka iyo Is-bedelada Cimilada ee Dowlad Goboleedka Puntland Cali C/llaahi Warsame.

Wasiirka ayaa is-casilaadeiisa ugu gudbiyey Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, isagoo ku sifeeyey is-casilaadiisa inay salka ku hayso in shaqadii Wasaaradiisa loo madax baneeyey Hay’adda gaar ah (PASWEYNE).

Wasiir C/laahi Warsame ayaa tilmaamay in Madaxweyne Gaas uu fashil kala kulmay himilooyinkii shacabka reer Puntland, uuna soo wajahay burbur dhaqaale, mid amni iyo in mudadii uu talada hayey ay gacantiisa ka baxday deegaan ka tirsan Puntland oo u gacan gacan galay Somaliland.

Hayado gaar loo leeyahay ayuu sheegay in taladooda la hoos geeyey Madaxtooyada, kuwaasoo uu tilmaamay in musuqmaasuq hareeyey, sidaas awgeedna uu burbur baaxad leh saameeyey hay’adihii Dastuuriga ahaa.

“Kadib markii waajibaadkii iyo shaqadii ay Wasaaradda Deegaanka ” Isbedelka Cimiladu u haysay dalka iyo dadka lagu wareejiyey Hay’ad si gaar ah Madaxtooyada Puntland u naas-nuujiso, sidaasna loo sameeyey si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo” ayuu yiri Cali C/llaahi Warsame oo iska casilay xilka Wasiirka Deegaanka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *