Friday, January 28, 2022
Hoy > Warka > Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay 18 ka tirsan argagixisada Alshabaab

Mareykanka oo sheegay in duqeyn uu ku dilay 18 ka tirsan argagixisada Alshabaab

MuqdishoMadal Furan) –War ka soo baxay Taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen weerar is difaacid ah oo lala beegsaday Meleeshiyaadka Alshabaab,kaasi oo khasaare loogu geystay maleeshiyadaasi.

Weerarkan xagga cirka ah oo laga fuliyay meel qayaas ahaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed  kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa Mareykanka uu sheegey in lagu dilay 18 kamid ah ururka Alshabaab.

Sidoo kale warkan Africom ayaa lagu sheegay intii uu socday weerarkaasi ay ciidanka xoogga dalka ay dileen labo ka tirsan dagaalyahanada ururka Al-shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa sii kordhisay weerarad lagu bartilmaameed-sanayso horjoogayaasha Alshabaab,iyagoo kaashanaya ciidanka Kumaandooska Soomaaliya,si loo ciribtiro kooxaha Al-shabaab

.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.