Thursday, January 20, 2022
Hoy > Warka > Guddi Madaxweyanah Puntland u saaray dilkii Suldaan Xasan Cali Jibriil ee shalay ka dhacay magaalada Badhan

Guddi Madaxweyanah Puntland u saaray dilkii Suldaan Xasan Cali Jibriil ee shalay ka dhacay magaalada Badhan

Badhan (Madal Furan) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay guddi baaritaan oo u xilsaaray dilkii shalay subaxnimadii ka dhacay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag Bari.

Dilkan ayaa loo qabtay nin ka tirsan ciidamada amaanka Puntland kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu ka danbeeyey dilkii Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Akhriso Guddiga uu magacaabay Dr. Gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 22 Sep 2018 magcaabay Guddiga Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Xeer Madaxweyne Lr.199 ee Sep 22, 2018, kuna saabsan Xalinta Dhacdadii geerida Suldaan Xasan Cali Jibriil.

Madaxweynuhu Markuu Arkay: Dastuurka Maamulka Puntland

Markuu la Tashaday: Isimadda iyo Wargaradka Gobolka Sanaag

Markuu Garwaaqsaday: In loo baahan yahay in xal degdeg ah laga gaaro dhacdadaas
Wuxuu Xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay guddiga hoos ku qoran oo ah xalinta dhacdadii geeridii Suldaan Xasan Cali Jibriil waxayna kala yihiin:

  1. Garaad Cabdulaahi Cali Ciid (Guddoomiye)
  2. Suldaan Ciise Maxamed Ciise
  3. Suldaan Axmed Bashiir Ducaale
  4. Islaan Xuseen Xaaji Cabdisalaam
  5. Maxamuud Maxamed Ducaale (Xoghayn)
  6. Sheekh Cabdulaahi Maclin Xasan (Qudubi)
  7. Sheekh Siciid Cusmaan Cali
  8. Nabadoon Siciid Cusmaan Cali

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *